80 qof oo Soomaali ku jirto ayaa ku dhintay duqayn ka dhacday dalka Suudaan.

Tuesday October 20, 2026 - 06:53:44
MeMO Staff
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 80 qof oo Soomaali ku jiraan ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo laga soo tebiyay suuq ganacsi oo kuyaalla deegaan dhaca xad-beenaadka u dhaxeeya Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ay ka geysteen weerarkan meel u dhow suuq kuyaal magaalada Al-Dibaab ee ka tirsan gobolka Kordofan ee xuduudda dhaca.

Dadka goobtan ku dhintay ayaa u badnaa sida la sheegay dad gaadiid sugayay si ay tuulooyinkooda dib ugu laabtaan markii ay soo dhameysteen dukaameysiga.

Goob-jooge lagu magacaabo Axmed Abakar Wadi ayaa AFP u sheegay in tiro laba jeer ah ay maqleen jugta qaraxyada, labada weerar na u dhexeysay 10 daqiiqo oo kaliya.

"Waxaan ka qeyb-galay aaska 50 mayd, midkoodna wuxuu ahaa walaalkay Maxamed,” waxaas sidaas yiri Wadi, sidoo kle 47 qof oo dhaawacmay ayaa loo qaaday magaalada Al-Mujlad, halkaas oo 30 ka mid ah dhaawacyada ay ku dhinteen, sida uu xaqiijiyay ilo caafimaad.

Goobjooge Soomaali ah ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in suuqa la duqeeyay ay Soomaali badan ganacsiyo kulahaayeen, balse uusan xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee halkaas ku dhimatay.

Lacago Malaayiin Dollar ah ayaa lasoo wariyay inay ku waayeen dadkii ku ganacsanayay suuqan oo kuyaal xadka Suudaan iyo dalka Suudaanta Koonfureed.

Shaqaale caafimaad ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in wadarta dadka ku dhintay weerarka Al-Dibaab ay gaartay 80 qof, halka weerarka kale ee ka ka dhacay Al-Mujlad naa ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, diyaaradaha dagaalka ee millatariga Suudaan ayaana lagu eedeeyay inay weerarkan ka dambeeyeen.

Related Items

Update cookies preferences